Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qabatay xubno ajaaniib ah oo ka tirsan Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
1000125367.jpg

Ciidamada Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa maanta qabtay labo xubnood oo ajaaniib ah oo tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Labada xubnood oo la sheegay in ay u dhasheen dalka Yemen waxaa lagu qabtay aaga deegaanka Tasjiic oo hoostaga degmada Boosaaso, iyaga oo ka yimid taliska Shankaala ee togga Baalade, halkaas oo ah meel ay ku dhuumeystaan xubnaha hadaadiga ah ee Daacish.

Maalmihii u dambeeyay waxaa soo badanayay xubnaha Daacish ee ajaaniibta ah ee ciidamada Puntland ku qabanayaan buuraleyda Calmiskaad.

Puntland waxay haysaa ku dhawaad 60 xubnood oo ajaaniib ah oo lagu qabtay howlgalka Calmiskaad, kuwaas oo u kala dhashay dalala Turkiga, Sacuudiga, Itoobiya, Morooko, Yemen, Siiriya iyo Tansaaniya.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this