Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo la kulmay taliyeyaasha Maraykanka iyo Ingiriiska ee Bariga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
1000125398-1440x1080.jpg

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta kulan la qaatay taliyeyaasha ciidamada gaarka ah ee wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ee Bariga Afrika, Col. Ryan Flaherty iyo Col Rich Grover oo ay weheliyaan saraakiil sarsare.

Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka argagixisada, waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay guulaha laga gaaray howlgalka Daacish ee Calmiskaad iyo xoojinta iskaashiga guud ee la dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Puntland ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga mahadceliyay, sida ay dowladda iyo shacabka Puntland uga taageereen in howlgalka Calmiskaad noqdo mid guuleysta.

Kulanka waxaa ka qeybgalay agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo wakiilka arrimaha siyaasadda & xiriirka caalamka Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this