Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashruuc: Puntland dastuur sax ah oo ay maanta leedahay ma jiro

Recommended Posts

Deeq A.   
1000125684.jpg

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa soo gaaray siyaasiyiin uu hoggaaminayo Maxamuud Mashruuc, uuna ku jiro Faarax Cali Shire, kuwaas oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.

Maxamuud Mashruuc oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Puntland carqaladeeysay socdaalkooda Boosaaso oo hakad la geliyay, taas oo ku tilmaamay tallaabo sharic darro ah.

Dhanka kale Masharuuc waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uusan aaminsanyn qaranimada Soomaaliya oo hortaagan yahay difaaca midnimada dalka.

Mashruuc ayaa sheegay in xilligan aysan Puntland la hayn dastuur sax ah oo la yaqaan, islamarkaana aan la aqoon in uu yahay kii 2011 iyo kii wax ka badelka lagu sameeyay ee 2023, isaga oo intaas ku saray in ay weli ka taagan tahay doodii 2023.

Siyaasiyiinta magaalada Boosaaso yimid ayaa ujeedkooda ku sheegay u kuurgalka xaaladda nololeed & amni ee Puntland, iyo sidoo kale latashiyo ay la sameynayaan bushada.

Hoos ka daawo muuqaalka Mashruuc

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this