Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo marti-gelisay shir heer sare ah oo Soomaaliya ka qeyb-gashay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
618108223_1426030056230263_3035154348832

Qaahira (Caasimada Online) – Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka, kaas oo ay isugu yimaadeen wasiirro iyo masuuliyiin ka socday dalalka Carabta.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira horumarinta isgaarsiinta, tiknoolojiyadda iyo jihada mustaqbalka dijitaalka ee dalalka xubnaha ka ah golaha Carabta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Maxamed Adam Macallin (Soomaali), kaas oo door muuqda ka qaatay kulamada iyo wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee ajendaha shirka.

Wasiirka ayaa madasha ka caddeeyey aragtida Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, isaga oo adkeeyey baahida loo qabo qorshe mideysan oo lagula jaanqaadayo isbeddellada dijitaalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa si gaar ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan, si loo dhiso mustaqbal dijitaal oo waara loona dardar-geliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha.

Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale la falanqeeyey fursadaha iskaashi ee u dhexeeya dalalka Carabta, horumarinta adeegyada dijitaalka, iyo sidii loo xoojin lahaa doorka tiknoolojiyadda ee kobaca dhaqaale iyo horumarka bulshada.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan heer gobol ah ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka mid noqoshada dadaallada wadajirka ah ee Carabta, ka-qayb qaadashada go’aamada saameeya horumarka dijitaalka iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan aqoon wadaag iyo tiknoolojiyad casri ah.

617701938_1426030049563597_2763880694684

617754396_1426030052896930_8739564684560

619190688_1426030046230264_8570293902000

618108223_1426030056230263_3035154348832

The post Masar oo marti-gelisay shir heer sare ah oo Soomaaliya ka qeyb-gashay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this