Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda sare ee Imaaraadka Carabta oo is-khilaafay kadib jabka diblomaasiyadeed

Recommended Posts

Deeq A.   
UAE-Imaaraad-scaled.jpeg?fit=2560%2C1765

Dubai (Caasimada Online) – Madaxda sare ee Imaaraadka Carabta ayaa khilaaf xooggan ka dhex qarxay xilli uu dalkaasi wajahayo jab diblumaasiyadeed oo uu kala kulmay dalal badan, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Khilaafkan ayaa banaanka usoo baxay kadib shir ay iskugu yimaadeen madaxda sare ee dalkaasi, kaasi oo hadlayay sidii Imaaraadka uga kaban lahaa guuldarrooyinka soo gaaray.

Kulankaasi waxaa si gaar ah uga qayb-galay Maxamed Bin Rashiid Al-Maktuum, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Isutagga Imaaraatka Carabta kana ah Ra’iisul Wasaaraha dalka, iyo Madaxweyne Maxamed Bin Zayid, kuwaas oo lafa-guray sidii looga bixi lahaa xaaladda adag ee ka dhalatay fashilkaas siyaasadeed.

Maamulka sare ee Dubai oo kamid ah Imaaradaha isu-tagay ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sida Boqortooyada Sacuudiga oo muddo dheer kasii jeeday danaha Imaaraadka ay marqudha u kala furfurtay xargihii adkaa ee dalalka laga eryay Imaaraadka.

Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa wajahay go’doon ballaaran oo kaga yimid dalalka Carabta, iyadoo eedeymo hore loogu jeedin jiray ay markii dambe isu bedeleen tallaabooyin cad oo rasmi ah, kuwaas oo sababay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay laga saaro saameyntii Imaaraadka.

Dalalka Imaaraadku fara-gelinta ku hayay ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, Liibiya, Yemen iyo Suudaan, waxaana ka dhashay isbahaysi ka dhan ah oo ay ku midoobeen Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar, kaas oo ugu dambayn guul ka gaaray siyaasaddii Imaaraadka.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda joojijsay heshiisyada milatari ee ay la gashay Imaaraadka, dalkaas oo dano dekedo iyo saldhigyo milatari ku leh Somaliland, Puntland, iyo Jubaland — deegaanno ay awoodda Muqdisho ku xaddidan tahay.

Si kastaba, Sacuudigu ayaa doonaya in uu saameyntiisa gaarsiiyo Geeska Afrika, halkaas oo Imaaraadku uu maalgashi culus ku sameeyay dekedo iyo kaabayaal milatari.

Sacuudigu ayaa sidoo kale miisaamaya tallaabooyin ballaaran oo uu kaga hortagayo awoodda Imaaraadka – ma aha oo kaliya Yemen, laakiin waa guud ahaan wadamada nugul ee gobolka, halkaas oo labada quwadood ee Khaliijku ay ku tartamayaan saameynta amniga, dekedaha, iyo siyaasadda.

The post Madaxda sare ee Imaaraadka Carabta oo is-khilaafay kadib jabka diblomaasiyadeed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this