Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno Muqdisho uga dhawaaqay maamul cusub oo laga dhisayo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaanno-beesha-Ciise.webp?fit=1080%

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada Somaliland ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha maamul goboleed cusub.

Maamulkan ayaa la magac baxay Guban State, iyadoo xildhibaannada la hadlay warbaahinta oo ka soo jeeda beesha Ciise ay sheegeen in caasimadda maamulkan noqon doonto magaalada Saylac.

Xildhibaannadan ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay xasuuq ka geysatay gobolka Awdal, oo ay sheegeen in dadkiisu yihiin kuwo midnimo doon ah.

“Waxaan taageersanahay oo si mug leh u soo dhaweynaynaa maamul goboleedka cusub ee la magac baxay Guban State of Soomaaliya, magaalo-madaxdiisuna ay tahay magaalada ugu faca weyn magaalooyinka Soomaaliya ee Saylac, ahna hoygii ilbaxnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xildhibaannada.

Xildhibaannadu waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadeen inay taageerto maamulka cusub, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadato taabbagelinta maamulka Guban State.

Sidoo kale, waxay maamulka Somaliland uga digeen cabburinta shacabka midnimo-doonka ah ee ku sugan deegaannadooda, iyagoo si cad u sheegay inay ka shaqeynayaan dhismaha maamulka cusub.

“Maamulka Somaliland waxaan uga digeynaa inay shacabka ku cabburiyaan aragtidooda iyo waxa ay rumeysan yihiin, gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada midnimo-doonka ah ee ka jira gudaha maamulka Somaliland.”

Waxa kale oo bayaanka lagu yiri: “Annagoo ah xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ee aaminsan midnimada, waxaan diyaar u nahay, kana shaqeynaynaa wax walba oo ku imaanaya midnimo Soomaaliyeed, ayna raalli ka noqon karaan qalbiyada tabashada qaba ee dadkayaga.”

Xildhibaannada beesha Ciise ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay xad-gudubka Israa’iil, iyagoo si cad uga horyimid aqoonsigii ay siisay maamulka Somaliland.

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa duullaanka iyo xad-gudubka qaawan ee Israa’iil kusoo qaaday midnimada Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay taleefan ku aqoonsatay qeyb kamid ah dalka, gaar ahaan gobollada aan kasoo jeedno.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Aqoonsi ku sheegan wuxuu baalmarsan yahay dhammaan shuruucda caalamiga ah. Aqoonsiga ay helaan gobollada Waqooyi wuxuu ku xiran yahay inay ka heshiiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.”

Ku dhawaaqista maamulkan cusub ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hore u shaacisay inay ka shaqeynayso sidii gobolka Awdal looga dhisi lahaa maamulka Awdal State, oo caasimaddiisu tahay magaalada Boorama.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Xildhibaanno Muqdisho uga dhawaaqay maamul cusub oo laga dhisayo Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this