Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo farriin u dirtay Golaha Mustaqbalka kadib casuumaadda Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-4.webp?fit=2048%2C1365&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweysay gogosha wadatashi ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Bayaan kasoo baxay Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka, loogu baaqay inay ka qeyb-galaan gogosha wadatashi ee la fidiyay.

“Boqortooyada Ingiriiska waxa ay soo dhaweynaysaa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda oo ay ku baahisay barteeda X (ex-Twitter).

Sidoo kale, dhammaan dhinacyada ayaa lagu booriyay inay gaaraan is-afgarad ku saabsan doorashooyinka, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo barwaaqada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirweynahan ayaa magaalada Muqdisho ka furmi doona 1-da bisha soo socota ee Febraayo 2026, sida uu shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba ha ahaatee, casuumaadda dowladda ayaa waxaa weli si rasmi ah uga soo jawaabin Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, xilli uu dhawaan dalbaday shirweyne looga arrinsanayo xaaladda dalka, oo ay ku jiraan doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo midnimada.

The post UK oo farriin u dirtay Golaha Mustaqbalka kadib casuumaadda Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this