Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo ka hadashay dhismaha maamulka cusub ee Guban State

Recommended Posts

Deeq A.   
wasiir-Fiqi.webp?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo maanta xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in laga dhisayo magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay taageerayso dhismaha maamulkan cusub, isagoo sheegay in doonistii Somaliland ee gooni-goosadka ay sii itaal-darreysay.

“Mashruucii gooni-goosadku wuu sii itaal-darreynayaa, waana laga kala baxay, wuxuuna qarka u saaran yahay burbur aan lagu badbaadin karin dhabarka Netanyahu iyo telefoonkiisa!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Anigoo sidoo kale dhammaan reer Awdal ku bogaadinaya halganka ay uga soo horjeedaan kala-goynta dalka. Guulaysta xildhibaannada sharafta leh.”

Taageeradan ayaa imaneysa saacado kadib markii qaar kamid ah xildhibaannada Somaliland ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen dhismaha maamulka Guban State of Somalia.

Xildhibaannada beesha Ciise ayaa sheegay in caasimadda maamulka ay noqon doonto magaalada Saylac, iyagoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay taageerto oo kaalin weyn ka qaadato taaba-gelinta Guban State.

Ku dhawaaqista maamulkan cusub ayaa ku soo aadeysa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hore u shaacisay inay ka shaqeynayso sidii gobolka Awdal looga dhisi lahaa maamulka Awdal State, oo caasimaddiisu tahay magaalada Boorama.

The post DF Soomaaliya oo ka hadashay dhismaha maamulka cusub ee Guban State appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this