Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Ciise oo ku dhawaaqday dhisida maamul ay xarun u noqonayso Seylac

Recommended Posts

Deeq A.   
1000124327.jpg

Qaar ka mid ah xildhibaanada Somaliland ku matala baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dhisayaan maamul la magac-baxay Guban State oo ay sheegeen in caasimaddiisu noqon doonto magaalada taariikhiga ah ee Seylac.

Xildhibaanadan oo ka soo jeeda beesha Ciise ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyay in uu xasuuq ka geystay gobolka Awdal oo ay xuseen in dadkiisu taageersan yihiin midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Arrintan waxaa ku soo aadaysaa, iyadoo hore dowladda federaalka Soomaaliya uga dhawaajisay in ay gobolka Awdal ka dhisayso maamul loogu magac-daray Awdal State, kaas oo caasimaddiisa lagu sheegay in ay noqon doonto magaalada Boorama.

Gobolka Awdal waxaaa ka taagan xiisad uu abuuray buuga xeer Ciise, taas oo u dhaxeysa beelaha Ciise iyo Gadabuursi oo isku haya lahaanshiyaha degmada taariikhiga ah ee Seylac, waxayna taasi sababtay in ay gobolkaas ku soo qulqulaan maleeshiyo beeleedyo hubaysan oo ka soo talaabay xadadka Itoobiya iyo Jabuuti.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this