Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay warar laga faafiyay maxaabiista Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
1000124443.jpg

Taliska Ciidanka Asluubta Puntland ayaa beeniyay in maxaabiis Daacish ah ay ka baxsatay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso iyo guud ahaa xabsiyada Puntland.

Taliyey ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Puntland Gen. Cabdiqaadir Axmed Khayre oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga magaalada Qardho ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan aan sal iyo raad la hayn yihiin warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in maxaabiis Daacish ah ka baxsatay xabsigga magaalada Boosaaso.

Wuxuu taas baddelkeeda tilmaamay in shalay xabsigga magaalada Boosaaso la keenay maxaabiis cusub oo ajaaniib ah oo laga qabtay kooxda Daacish ee lagu dagaalamayo buuraha Calmiskaad.

Taliyaha wuxuu arrintan ku eedeeyay in ay ka dambeyso dowladda Federaaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay diidan tahay la dagaalanka Daacish iyo horumarka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Puntland waxay maalmo ka hor soo bandhigtay maxaabiista ajaanibta ah ee argagixisada Daacish looga qabtay howlgalka Calmiskaad, kuwaas oo u kala dhashay dalala Turkiga, Sacuudiga, Itoobiya, Morooko, Yemen, Siiriya iyo Tansaaniya.

Hoos ka daawo hadalka Taliyaha

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this