Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo mucaaradka Soomaaliya ugu baaqday in ay kasoo qeyb galaan Shirkii ay ku dhawaaqday Xukuumadda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho – Beesha Caalamka, oo ay hormuud ka tahay UNTMIS, ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan madasha wadatashiga qaran iyo martiqaadka ay u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council).

Bayaan ka soo baxay UNTMIS ayaa lagu sheegay in madashan ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-hadal loo dhan yahay, laguna gaari karo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin laga wada qayb-galo, daahfuran oo loo dhan yahay, ka hor inta uusan dhammaan waajibaadka dastuuriga ah ee dalka bilaha soo socda.

Beesha Caalamka ayaa dib u xaqiijisay taageeradeeda joogtada ah ee ku aaddan geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay, waxayna ku dhiirrigelisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay si wanaagsan uga jawaabaan martiqaadka dowladda, kana qeyb qaataan wadahadallada qaran.

Sidoo kale, Beesha Caalamka waxay ku boorrisay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay si wax ku ool ah, masuuliyad lehna uga qeyb qaataan wadahadallada soo socda, si loo gaaro heshiis qaran oo ku saleysan wada-tashi, kaas oo horseeda xasillooni, horumar iyo barwaaqo waarta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this