Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Jubaland iyo kuwa Danab oo dib u qabsaday deegaanka Kudhaa + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Kudhaa.webp?fit=1080%2C810&ssl=1

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka mar kale uu dagaal qaraar ka dhacay deegaanka Kudhaa, halkaas oo ay shalay soo galeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ayaa dib u weeraray deegaanka, waxaana saacado kadib ay ka saareen maleeshiyaadka argagixisada ee shalay qabsaday halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada ay dib u qabsadeen deegaanka, ayna ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamadama Jubbaland iyo Ciidan Danab oo si rasmi ah hadda gacanta ugu dhigay magaalo xeebeedka Kudhaa ee degmada Badhaadhe. Ciidanka ayaa saaka magalada dhowr jiho ka weeraray halkaas oo maleshiyada Khawaarijta ku sugnaayeen 24 sac wax kayar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay ciidanka nolosha ku qabteen xubno Shabaab ahoo dagaalka qayb ka ahaa, kuwaas oo waayey meel u baxsadaan, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxay ciidanka gacanta ku dhigeen qaybo kamid ah maleeshiyada oo waayey meel ka baxsadaan, kadibna ciidamada isku dhiibay” ayaa lasii raaciyay.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay guusha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ay kasoo hooyeen dagaalka adag ee ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Kudhaa, isaga oo hambalyo iyo boggaadin u diray ciidanka geesiyeyaasha ee jilibka u dhigay maleeshiyaadka weeraray magaaladaasi oo istaraatiiji ah, muddo dheerna laga difaacayay argagixisada.

“Waxaan boggaadinayaa sida aad weli baacsiga iyo sifeynta uga wadaan deegaannadii dirirtu ka dhacday” ayuu qoraalka ku yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iska caabinta ay muujisay geesinimada ciidanka iyo inay ka feejignaayeen khatarta cadowga, sidaasna looga hortegay.

Xaaladda Kudhaa ayaa maanta deggan, waxaana ka socda howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

617137797_1414900070667304_1930164390742 Kudhaa.webp?resize=696%2C522&ssl=1616338867_1414900077333970_6548903049597

The post Ciidanka Jubaland iyo kuwa Danab oo dib u qabsaday deegaanka Kudhaa + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this