Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cirro oo la kulmay madaxweynaha Israel iyo wiilka Trump + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
617085794_1463688228446050_8476945926168

Davos (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo haatan ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo wiilka madaxweynaha Mareykanka Eric Trump, oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Kulanka Cirro iyo Isaac Herzog ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka u bilaabmay Tel Aviv iyo Hargeysa iyo sidii loo dhameysitiri lahaa heshiisyada ay gaareen labada dhinac.

Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay kulanka, wuxuuna sheegay in diiradda lagu saaray arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dhinac iyo aqoonsiga Somaliland, kaas oo Israa’iil ay ku dhawaaqday dhammaadka sanadkii hore.

“Waxa aan xalay kulan casho-sharaf ah ku wada-qaadannay Davos- Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum), Madaxweynaha Dawladda Israel, Mudane Isaac Herzog. Kulanka waxa aan diiradda ku saarnay xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israel” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in kulankan ay goobjoog ahaayeen hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka socda dalalka caalamka, isla markaana uu ka mid yahay wiilka madaxweynaha Mareykanka, Eric Trump

“Kulanka waxa sida oo kale ka soo qayb-galay siyaasiyiin culus iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka kala socday dhammaan daafaha dunida, iyo shakhsiyaad saameyn ballaadhan ku leh masraxa caalamiga ah, oo uu ka mid ahaa Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka” ayuu mar kale yiri.

Dhankiisa Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa bartiisa Twitter (X) ku baahiyey sawirrada kulanka dhex-maray isaga iyo Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka madaxweynaha Somaliland, isaga oo rajeeyay in ay sii socon doonto wada shaqeyntooda, si looga mira dhaliyo dadaallada socda ee labada dhinac.

“Waan ku faraxsanahay in aan Davos kula kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro. Aad ayaan ugu faraxsanahay xidhiidhka labada dal, waxaana rajaynayaa in aanu ka wada shaqayn doono sidii loo sii adkayn lahaa,” ayuu yiri madaxweyne Isaac Herzog.

Si kastaba, Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Cirro la yeesho madaxweynaha Israa’iil, tan iyo markii lagu dhawaaqay aqoonsiga oo ay wada saxiixeen isaga iyo Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

616806251_122274964514179536_91987966733 616806225_122274964532179536_54634699781616832502_1463688325112707_8826015102602 617085794_1463688228446050_8476945926168 617385761_1463688285112711_5470263461085 618907333_1463688255112714_3033691678648 619567025_1463688301779376_8886539494464

The post Cabdiraxmaan Cirro oo la kulmay madaxweynaha Israel iyo wiilka Trump + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this