Deeq A. Posted 10 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, amniga iyo wadada-hadallada la filayo inay u bilowdaan Xukuumadda iyo Golaha Mustaqbalka. Sidoo kale kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa lagu soo qaaday howlgallada ciidamada, iyada oo lagu bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay khawaarijta ku jabiyey deegaanka Kudhaa, oo ay argagixisadu isku dayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaannadaasi, balse Ciidamada Qaranka ay ka difaaceen weerarkii naf la caariga ahaa ee ay soo qaadeen. Sidoo kale, intii uu socday kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda. Dhanka kale, Golaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ugu dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubaland iyo Puntland. Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyada oo bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya lagu shaaciyay in shirweynahaas uu Muqdisho ka furmi doono 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa talo soo-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxay casuumaad rasmi ah u fidinaysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, isla markaana ka dhalatay isfaham-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, waxaana sidoo kale usii dheer arrinta midnimada iyo abaaro ka jira waddanka. The post Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirrada? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites