Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib Yemen, Sacuudiga oo ballan-qaaday in Imaaraadka Carabta uu ka sifeyn doono…

Recommended Posts

Deeq A.   
2024-09-11T180811Z_1577458662_RC2HY9AIFJ

Riyadh (Caasimada Online) — Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hadda u dhaqaaqday inay wiiqdo, soona xirto saameynta ay Imaaraadka Carabta ku leeyihiin Badda Cas iyo Geeska Afrika kadib markii khilaaf culus oo ka dhashay dalka Yemen uu bannaanka soo dhigay loolan hoose oo u dhexeeya labadan dal ee Khaliijka ee xulafada ahaa, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Washington Post. 

Kala-aragti duwanaanshaha ayaa soo shaac-baxay toddobaadyadii la soo dhaafay, gaar ahaan Koonfurta Yemen, halkaas oo ciidamo gooni-u-goosad ah oo Imaaraadku taageero ay qabsadeen dhul, taas oo keentay in Sacuudigu soo farageliyo si uu u taageero dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.

Riyadh ayaa duqeysay xoogagga gooni-u-goosadka, waxayna sheegtay inay beegsatay shixnad Imaaraadku leeyahay oo lagu eedeeyay inay siday hub loo waday kooxdaas.

Dhacdadaas kadib, Imaaraadku wuxuu si degdeg ah ula baxay ciidamadiisii, waxaana burburay golihii hoggaanka ee gooni-u-goosadka. Falanqeeyayaasha ayaa tallaabadan degdegga ah ku tilmaamay mid dib u qaabeysay miisaanka awoodda ee marinka istiraatiijiga ah ee Baab al-Mandab — oo ah marin-biyood muhiim ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Diblomaasi Sacuudi ah oo la hadlay Washington Post ayaa sheegay in fiditaanka Abu Dhabi ee hareeraha Badda Cas uu ka hor imanayo aragtida Riyadh ee ku aaddan in aaggaasi yahay “Suunka Amniga” ee Boqortooyada. Wuxuuna intaas ku daray in Sacuudigu uu hadda doonayo inuu muujiyo “Khadadka Cas” ee aan la ogolaan karin. 

Muddo sanado ah, Sacuudiga iyo Imaaraadku waxay u shaqeynayeen si wadajir ah, iyagoo taageerayay hoggaamiyeyaal xulafo la ah kadib kacdoonkii Carabta, islamarkaana dhistay isbaheysi ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay tilmaantay in danahoodu ay kala leexdeen; Sacuudiga oo xoogga saaraya ilaalinta awoodda dowladnimada, halka Imaaraadku uu ku tiirsanaaday kooxo hubeysan oo maxalli ah iyo saldhigyo ganacsi si uu u ballaariyo saameyntiisa.

Wargeyska ayaa weriyey in Sacuudigu uu dhowaan xoojiyey isbaheysiyo kale oo gobolka ah, isagoo wadahadallo la furay Masar iyo Soomaaliya oo ku aaddan iskaashi dhanka amniga ah.

Dowladda Federaalka ay joojijsay heshiisyada milatari ee ay la gashay Imaaraadka, dalkaas oo dano dekedo iyo saldhigyo milatari ku leh Somaliland, Puntland, iyo Jubaland — deegaanno ay awoodda Muqdisho ku xaddidan tahay.

Sidoo kale, xogta duulimaadyada ee uu soo xigtay Washington Post ayaa muujisay in diyaaradaha ka imanaya Imaaraadka qaarkood ay beddeleen jidkooda si ay uga fogaadaan hawada Masar, Sacuudiga, iyo Soomaaliya. Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in duulimaadyadan ay xiriir la leeyihiin taageerada kooxaha Imaaraadku xulafada la yahay ee colaadaha ka jira Afrika, sida Chad, Libya, iyo Sudan.

“Isbeddelka halkan ka dhacay waa mid weyn,” waxaa sidaas yiri Liam Karr oo ka tirsan machadka American Enterprise Institute. Wuxuuna xusay in xoogagga Imaaraadku taageero ay u muuqdeen kuwo qarka u saaran inay la wareegaan gacan ku heynta labada dhinac ee marinka Baab al-Mandab, ka hor inta uusan Sacuudigu soo faragelin.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in walwalka Sacuudigu uusan ku koobnayn Yemen oo keliya, balse uu gaarsiisan yahay Geeska Afrika, halkaas oo Imaaraadku uu maalgashi culus ku sameeyay dekedo iyo kaabayaal milatari.

Waxaa si gaar ah loo xusay xarumaha Berbera ee Somaliland iyo saldhig ku yaalla Boosaaso, Puntland, oo khubaradu sheegeen inuu taageero u fidiyo howlgalada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) iyo saadka gobolka.

Ugu dambeyntii, Washington Post waxay sheegtay in Sacuudigu uu hadda miisaamayo tallaabooyin ballaaran oo uu kaga hortagayo awoodda Imaaraadka — ma aha oo kaliya Yemen, laakiin waa guud ahaan wadamada nugul ee gobolka, halkaas oo labada quwadood ee Khaliijku ay ku tartamayaan saameynta amniga, dekedaha, iyo siyaasadda.

The post Kadib Yemen, Sacuudiga oo ballan-qaaday in Imaaraadka Carabta uu ka sifeyn doono… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this