Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay heshiiska ay maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirrada?

Recommended Posts

Deeq A.   
wasiirrada-golaha-1.webp?fit=2048%2C1365

Muqdisho (Caasimada Online) –  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo amniga, iyada oo sidoo kale shirka lagu ansixiyay heshiis is-afgarad oo muhiim ah.

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa lagu meelmariyay heshiis is-afgarad oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Heshiiskan ayaa gacan ka geysanaya hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday.

Dhinaca kale, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa u mahad-celiyay Golaha Wasiirada ee meel-mariyay heshiiska cusub ee u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya.

“Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyey Is-afgaradka ka dhexeeya Maamullada Dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya. Is-afgaradkani wuxuu xoojinayaa iskaashiga iyo xog-wadaagga dalalka gobolka, wuxuuna gacan ka geysanayaa hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha”. ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale, wuxuu intaas kusii daray in ku dadaali doonaan horumarinta dekadaha iyo danaha qaranka, si Soomaaliya ay u gaarto isku filnaan buxuda.

“Waxaa naga go’an hirgelinta shuruucda muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo bad ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo” ayuu mar kale yiri Jaamac.

wasiirrada-golaha-1.webp?resize=696%2C46 Jaamac.webp?resize=696%2C464&ssl=1 618730255_1243595484536262_5661645093374 616490334_1243595454536265_3130354589298

The post Muxuu yahay heshiiska ay maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirrada? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this