Sign in to follow this  
Deeq A.

ONLF oo ku dhawaaqday isbahaysi cusub, eedeymo culusna u jeedisay xukuumadda Abiy

Recommended Posts

Deeq A.   
ONLF.jpg?fit=696%2C463&ssl=1

Jigjiga (Caasimada Online) – Ururka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa magaalada Jigjiga uga dhawaaqay dhismaha isbahaysi siyaasadeed cusub oo loo bixiyay Isbahaysiga Shacabka Soomaaliyeed ee Aayo-ka-tashiga (SPAS).

Isbaheysigan cusub ayey sheegtay inuu ujeedkiisu yahay mideynta dadaallada siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo kuwa bulsho ee Soomaalida ku nool dalka Itoobiya.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ONLF, Congress for Somali Cause (CSC) iyo Somali Regional Democratic Alliance (SRDA) ayaa lagu caddeeyay in isbahaysigan cusub uu doonayo in la xoojiyo codka siyaasadeed, karaamada iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

Onlf.webp?resize=660%2C375&ssl=1

Ururradaasi waxay mar kale carrabka ku adkeeyeen in ku biirinta dhulalka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay ahayd mid taariikh ahaan ku timid, iyadoo aan raalli ka ahayn shacabka Soomaaliyeed. Waxayna eedeeyeen dowladihii Itoobiya ee kala dambeeyay inay ku dhaqmeen takoorka, cabburinta siyaasadeed iyo ku tumashada xuquuqda aas-aasiga ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay heshiiskii nabadeed ee la gaaray sanadkii 2018, xilligii uu bilowday hoggaanka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, markaas oo ONLF ay joojisay halgankii hubeysnaa kana mid noqotay geeddi-socodka nabadda.

Si kastaba ha ahaatee, ururku wuxuu sheegay in rajadii laga qabay heshiiskaasi ay fashilantay, isla markaana ay sii socdeen eedeymo ku saabsan barakicin, la wareegid dhul iyo cadaadis siyaasadeed.

“Waqtigii dulqaadka wuu dhammaaday,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo xukuumadda Addis Ababa lagu eedeeyay inay diidday wadahadal, isla markaana ay qaaday tallaabooyin lagu tilmaamay kuwo khatar ku ah jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.

Isbahaysiga SPAS ayaa ugu baaqay dhammaan Soomaalida inay mideeyaan mowqifkooda, isla markaana ay muujiyaan go’aan wadajir ah oo ku dhisan halgan xaq ah iyo aayo-ka-tashi.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Itoobiya weli kaka hadal bayaankan, mana jiro wax jawaab rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay Addis Ababa.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan walaacyo caalami ah oo ku saabsan xasilloonida iyo xuquuqda aadanaha ee qaybo ka mid ah Itoobiya, gaar ahaan meelaha ay saameeyeen colaadaha iyo murannada siyaasadeed.

The post ONLF oo ku dhawaaqday isbahaysi cusub, eedeymo culusna u jeedisay xukuumadda Abiy appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this