Deeq A. Posted 11 hours ago Dagaal xoogan ayaa saaka ka socda deegaanka jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhexeeya ciidamad Jubaland oo ay weheliyaan Danab iyo kooxdii Al-shabaab ee shalay qabsatay deegaankaas. Ciidamada Jubaland iyo kuwa Danab ayaa doonaya in ay dib ula wareegaan Kudhaa, waxayna ilaa shalay dagaal kula jireen kooxda Al-shabaab, iyaga oo taageeero dhanka cirka ah ka helaya ciidamada dowladda Kenya. Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaas, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo deegaankaas. Kudhaa oo koonfur ka xigta magaalada Kismaayo qiyaastiina u jirta 100 km, waxaa Al-shabaab lagala wareegay sanadkii 2014, halkaas oo ay markii hore u isticmaali jireen in ay ku gabadaan madaxda sarsare ee kooxda. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites