Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo sheegtay in ay dib u qabsatay Kudhaa

Recommended Posts

Deeq A.   
1000124218.jpg

Jubaland ayaa goordhaweyd sheegtay in iyada oo kaashanaysa ciidamada Danab ay dib u qabsatay jasiirada Kudhaa oo 24 saac ee lasoo dhaafay gacanteeda ka maqnayd.

Jubaland waxay tilmaantay in ay hayso xubno ka tirsan Al-shabaab oo isu soo dhiibay, kadib markii ay waayeen meel ay ka baxaan, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada maamulka Jubaland, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo deegaankaas.

Kudhaa oo koonfur ka xigta magaalada Kismaayo, waa deegaan muhiim ah oo wixii ka horreeyay 2014-kii ay Al-shabaab u isticmaali jireen in ay ku gabadaan madaxda sarsare ee kooxda.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this