Deeq A. Posted 3 hours ago Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Isafgaradka Badweynta Hindiya (Indian Ocean Memorandum of Understanding – IOMOU), oo ah heshiis caalami ah oo diiradda saara kormeerka maraakiibta, badqabka gaadiidka badda, iyo ilaalinta deegaanka badaha. Tallaabadan ayaa ah mid istiraatiiji ah oo kor u qaadaysa awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyahaheeda iyo dekedaheeda, ayadoo sidoo kale Soomaaliya ay fursad u heli doonto hubinta badqabka gaadiidka badda. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in ku biirista isafgaradkan ay Soomaaliya u suuragelinayso inay si buuxda uga qayb qaadato nidaamka Port State Control, kaas oo ujeeddadiisu tahay hubinta in maraakiibta shisheeye ee dekedaha soo gasha ay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah ee badqabka, shaqaalaha badda iyo ilaalinta deegaanka. Wasaaraddu waxay sheegtay in heshiiskani uu si gaar ah muhiim ugu yahay yareynta khataraha shilalka badda, ka hortagga wasakhowga, iyo xoojinta badbaadada maraakiibta taya-darran. Sidoo kale, wuxuu gacan ka geysanayaa ilaalinta xeebaheeda, khayraadka badda iyo kalluumeysiga, kuwaas oo ah laf-dhabarta nolosha iyo dhaqaalaha bulshooyin badan oo Soomaaliyeed. Iyadoo la raacayo isafgaradkan, Soomaaliya waxay xaqiijin doontaa u hoggaansanaanta heshiisyada caalamiga ah ee ay ka mid yihiin SOLAS, MARPOL, STCW iyo MLC 2006, kuwaas oo damaanad qaadaya badqabka maraakiibta, ka hortagga wasakhowga, tayada tababarka badmaaxyada, iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha badda. Sidoo kale, ku biirista IOMOU waxay Soomaaliya u fureysaa fursado ay ku heli karto tababarro, khibrad iyo iskaashi caalami ah, taas oo sare u qaadaysa awoodda hay’adaha dalka ee kormeerka iyo maareynta gaadiidka badda. Dowladda ayaa sheegtay in natiijada laga filayo ay tahay bad ammaan ah, dekedo lagu kalsoonaan karo, iyo koboc dhaqaale oo ka dhasha horumarinta gaadiidka badda. Si kasta ha ha ahaatee ku biirista Soomaaliya ee Isafgaradka Badweynta Hindiya ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa doorka dalka ee ganacsiga badda gobolka, isla markaana ka tarjumaysa dadaallada dowladda ee ku aaddan ilaalinta mas’uuliyadda caalamiga ah ee badaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites