Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo u safraya Itoobiya, si uu uga qeyb-galo…

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-abiy.jpg?fit=593%2C395&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah u ambabaxaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay ka qayb-galka munaasabadda xuska sannad-guuradii 90-aad ee maalintii la aasaasay Ciidanka Cirka ee dalka Itoobiya.

Ciidankan oo la xusuusto inuu ka mid ahaa ciidamadii Soomaaliya la dagaallamay sannadkii 1977, ayaa xuska aasaaskiisa lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa, kaas oo ay ka qayb-geli doonaan madax kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goobjoog ka noqon doona dhoollatus ay sameyn doonaan diyaaradaha Cirka ee dalka Itoobiya iyo cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee cirka, kuwaas oo safka hore kaga jira ciidammada ugu awoodda badan qaaradda Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo muddooyinkii dambe ku howlanaa dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay baabi’isay heshiisyadii Abu Dhabi.

Abiy Axmed ayaa xiriir wanaagsan la leh Imaaraadka oo ka dambeeyay xadgudubka Israa’iil, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhankeeda dadaal xooggan ku bixinayso in dalalka gobolka aysan xilligan xiriir heer “dal” ah la yeelan maamulka Somaliland, kaddib aqoonsigii Israa’iil.

Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda”, isla markaana ay la samaysatay xiriir diblomaasiyadeed. Tallaabadaas ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee ku dhiirrada aqoonsiga Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991-kii.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladdu waxay dagaal adag kula jirtaa aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo kuwa sharciga caalamiga ah.

The post Xasan Sheekh oo u safraya Itoobiya, si uu uga qeyb-galo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this