Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo jabhad hubeysan oo ka dhacay gobolka Awdal

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-Somaliland-.jpeg?fit=2048%2C13

Saylac (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta ka dhacay deegaanka Indho-Biraale, oo hoos taga degmada Saylac ee gobolka Awdal.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada milatariga Somaliland iyo jabhad ku sugan deegaankaas, kuwaas oo la sheegay inay ka soo jeedaan beesha Ciise.

Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka maanta dhacay salka ku hayaa xiisaddii dhawaan ka dhalatay joojinta bandhigga buugga Xeer Ciise.

Ciidamada Milatariga Somaliland oo soo saaray qoraal ayaa sheegay in hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Indho-Biraale lagu qabtay hub sharci-darro ah oo isugu jira qoryaha nooca AK-47. Ciidanku waxay sheegeen in hawlgalkaasi ahaa mid qorshaysan oo lagu xaqiijinayay sugidda amniga iyo xasilloonida shacabka.

Hawlgalkaas ayuu taliska ciidanku sheegay in lagu baadi-goobayay koox dishay laba qof oo shacab ah, taas oo keentay dhimashada laba ka mid ah xubnaha kooxdaas iyo dhaawaca afar kale, sida ay hadalka u dhigeen.

“Hawlgalkaasi wuxuu sababay in laba ka mid ah budhcaddii ay dhintaan, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska ciidanka Somaliland.

Sidoo kale, taliska ayaa sheegay in ciidanku gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah xubnaha kooxda ku lugta lahayd dilka labada qof ee dhawaan lagu dilay deegaanka, iyadoo si adag looga digay cid kasta oo lagu qabto falal noocan ah.

Waxaa muddooyinkii dambe deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ku soo qulqulayay maleeshiyaad beeleed hubaysan oo tiro badan, kuwaas oo ka soo tallaabayay xuduudaha Itoobiya iyo Jabuuti, kaddib markii ay xukuumaddu joojisay bandhigga buugga Xeer Ciise.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay maanta fuliyeen hawlgal amni oo qorshaysan, kaasi oo lagu baadi-goobayey koox hubaysan oo fal dambiyeed ku dilay laba qof oo shacab ah.

Hawl galkan oo ka dhacay Deegaanka indho biraale Degmada saylac, waxa muddadii uu socday, kooxdan budhcada ahi ay iska caabin hubaysan kala hortimid Ciidanka Qaranka ee waajibaadkooda sugidda amniga ku guda jiray.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga, waxay ku guulaysteen inay soo qabtaan xubno ka mid ah budhcaddii falkaas geysatay, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii ay wateen.

Hawlgalkasi wuxuu sababay in laba ka mid ah budhcaddii ku dhintaan iska-horimaadka, halka afar kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale digniin adag u dirayaan cid kasta ama koox kasta oo isku daya inay khal khal geliso amniga iyo xasilloonida shacabka, gaar ahaan gobollada galbeedka dalka, in laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka.

Ciidanka Qaranku waxay shacabka u xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga, iyo ilaalinta naf iyo maalba.

The post Dagaal u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo jabhad hubeysan oo ka dhacay gobolka Awdal appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this