Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh iyo Museveni oo yeeshay wada-hadal cusub oo lagu adkeeyay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Museveni-Xasan.jpeg?fit=2048%2C1487&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta wada-hadal taleefan ah la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalka Uganda dib-u-doorashadiisa, kaddib guushii uu ka gaaray doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Museveni u rajeeyay in muddada xil-hayntiisa uu dalka Uganda ku hoggaamiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Intii uu socday wada-hadalka, labada Madaxweyne waxa ay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo iskaashiga danaha guud ee labada shacab.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dalalka gobolka.

Sidoo kale, waxay si wadajir ah hoosta uga xariiqeen in xasilloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay is-ixtiraam iyo iskaashi dhow oo dhex mara dalalka deriska ah.

Soomaaliya iyo Uganda ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed oo dhow, iyadoo dowladda Uganda ay gudaha Soomaaliya ka joogaan ciidamo badan oo nabad-ilaalin ah.

The post Xasan Sheekh iyo Museveni oo yeeshay wada-hadal cusub oo lagu adkeeyay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this