Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay gogosha Xasan Sheekh ee Golaha Mustaqbalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Deni-Axmed-Madoobe.webp?fit=5000%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay Gogosha Wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh u dhigay Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Bayaan kasoo baxay Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa lagu xaqiijiyay taageeradeeda ku aaddan wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaarayo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin laga wada qayb-galo.

UNTMIS ayaa muujisay mudnaanta heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo billo kooban ka harsan yihiin.

“Waxaan ku dhiirrigelinaynaa Golaha Mustaqbalka inay si wanaagsan uga jawaabaan martiqaadka, waxaana ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay si wax ku ool ah uga qaybgalaan wadahadallada soo socda,” ayaa lagu yiri bayaanka UNTMIS.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirweynahan ayaa magaalada Muqdisho ka furmi doona 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026, sida uu shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Hoos ka aqriso qoraalka UNTMIS

UNTMIS waxay soo dhoweynaysaa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee madasha wadatashiga qaran iyo martiqaadka ay u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Waxaan dib u xaqiijineynaa taageeradeenna ku aaddan wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaarayo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin laga wada qayb-galo oo daahfuran, ka hor inta uusan dhammaan waajibaadka dastuuriga ah bilaha soo socda.

Waxaan ku dhiirrigelinaynaa Golaha Mustaqbalka inay si wanaagsan uga jawaabaan martiqaadka, waxaana ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay si wax ku ool ah uga qaybgalaan wadahadallada soo socda.

The post Beesha caalamka oo war kasoo saartay gogosha Xasan Sheekh ee Golaha Mustaqbalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this