Deeq A. Posted 6 hours ago Dagaal ayaa maanta ka dhacay deegaanka Indho-biraale oo hoostaga degmada Seylac ee gobolka Awdal, kaas oo dhexmaray ciidamada maamulka Somaliland iyo jabhad deegaankaas ku sugan oo ka soo jeeda beesha Ciise. Dagaalka oo salka ku hayo xiisaddii ka dhalatay buuga xeer Ciise ayaa sababay dhimashada iyo dhaawac, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah. Qoraal ay soo saareen ciidamada maamulka Somaliland waxay ku sheegeen in ay deegaanka Indho-biraale ee degmada Seylac ka fuliyeen howlgal lagu baadigoobayay koox dishay labo qof oo shacab ah, kaas oo sababay dhimashada labo ka mid ah kooxdaas iyo dhaawaca afar kale, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro wax war ah oo la xiriira dagaalka maanta dhacay oo ka soo baxay jabhada beesha Ciise ee ku sugan deegaano ka tirsan degmada Seylac. Muddooyinka uu dambeeyay waxaa deegaano ka tirsan gobolka Awdal ku soo qulqulayay maleeshiyo beeleedyo hubaysan oo tiro badan, kuwaas oo ka soo talaabayay xadadka Itoobiya iyo Jabuuti. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites