Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Shabaab oo la wareegtay Kudhaa kaddib markii ay isaga baxeen Ciidamada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay isaga baxeen magaalada xeebeedka Kudhaa, oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kaddib dagaallo culus oo halkaas ka dhacay saacadihii la soo dhaafay.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab (AS) ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kudhaa, taas oo leh muhiimad istaraatiiji ah, maadaama ay ku taallo xeebta Badweynta Hindiya isla markaana ay marinka u tahay isu-socodka dhulka iyo badda ee koonfurta Soomaaliya.

Wararku waxay tilmaamayaan in ka bixitaanka ciidamada Jubbaland uu yimid kaddib cadaadis ka dib dagaal xooggan, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay dagaallada.

Kooxda Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in ay si buuxda ula wareegtay magaalada, hase yeeshee weli ma jirto xaqiijin madaxbannaan oo ka timid dowladda Federaalka ama maamulka Jubbaland.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this