Deeq A. Posted 18 hours ago Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay saaka dagaal-yahaanno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo Ciidanka Jubaland ku leeyihiin aagga xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan deegaanada Buurgaabo iyo Jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose. Saldhigyada oo ay daganaayeen Daraawiishta Jubaland ayaa waxaa aroornimadii hore ee saaka weeraro ku eekeysay kooxda Al-Shabaab, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo ilaa iyo hadda ka socda halkaasi, kaasi oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin. Al-Shabaab oo qoraal ku baahisay barahooda bulshada ayaa sheegtay inay la wareegtay deegaannada Buurgaabo iyo Jasiiradda Kudhaa, isla markaana khasaare culus ay gaarsiisay ciidankii ku sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Dhankooda saraakiil u hadashay Jubaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Khawaarijta, waxayna intaasi ku dareen in dagaalka ay ku dileen maleeshiyaad badan. Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, waxaana weli xaaladda deegaanka Buurgaabo ay tahay mid aad u kacsan, waxaana ka socda dagaalka, iyadoo gurmadyo ay helayaan labada dhinac. Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda. Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii uu dambeeyay ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdeen gobollada Jubooyinka, waxaana iska kaashanayay Ciidanka Daraawiishta Jubaland iyo kuwa Danab oo inta badan beegsada xarumaha muhiimka ah ee argagixisada. The post Al-Shabaab oo qaraxyo ku weeraray saldhigyo ku yaalla… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites