Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo heshiis difaac deg deg ah la galay dal kale xilli uu ka baqayo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
Sheikh-Mohammed-bin-Zayed-Al-Nahyan-scal

New Delhi (Caasimada Online) – Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Hindiya ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo ay ku sii xoojinayaan xiriirkooda difaaca iyo ganacsiga, iyagoo kala saxiixday heshiisyo dhawr ah oo ku kacaya balaayiin doollar. Heshiisyadan ayaa la dhammaystiray intii lagu guda jiray booqasho gaaban oo Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed bin Zayed Al Nahyan, uu ku tagay magaalada New Delhi.

Sida ku cad heshiisyada, Imaaraadku wuxuu Hindiya siin doonaa gaas dabiici ah oo qiimihiisu gaarayo $3 bilyan, wuxuuna qayb ka noqon doonaa waxa loogu yeeray “iskaashi weyn” oo lagu horumarinayo aag maalgashi oo ku yaalla gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya.

Wadahadallada lagu kala saxiixday heshiisyadan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Imaaraadka, oo ay wehlinayeen wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee dalkaas.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay inay sahamiyaan horumarinta wadajirka ah ee teknoolajiyadda nukliyeerka, waxayna saxiixeen warqad is-afgarad (letter of intent) oo ujeedkeedu yahay in la aasaaso iskaashi difaac oo istiraatiiji ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa sheegay in qaab-dhismeedkan cusub uu ballaarin doono iskaashiga milateri, oo ay ku jirto in si wadajir ah loo soo saaro hubka iyo tiknoolajiyadaha casriga ah.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, heshiisyadan ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu doonayo in ganacsiga labada dal la gaarsiiyo $200 bilyan marka la gaaro sannadka 2032, taas oo ah laba-jibaarka inta uu hadda yahay.

Loolanka sii xoogaysanaya 

Heshiiskan difaaca ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Imaaraadka iyo Sacuudiga, iyadoo danaha dhaqaale iyo kuwa juqraafi-siyaasadeed ee kala duwan ay isu beddelayaan loolan muuqda.

Labadan dal ee Khaliijka ayaa ku loolamaya saameynta Yemen iyo Geeska Afrika, iyagoo sidoo kale taageeraya dhinacyada iska soo horjeeda ee dagaalka sokeeye ee Suudaan.

Riyadh ayaa ka jawaabtay saameynta sii kordhaysa ee Abu Dhabi ku leedahay Badda Cas iyo Afrika iyadoo samaysatay isbahaysi difaac oo ay la gashay Pakistan oo haysata hubka nukliyeerka, waxaana la sheegayaa in Turkigu uu ku dhow yahay inuu ku biiro qorshahaas.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Sacuudigu uu ka fiirsanayo dhismaha isbahaysi labaad oo milateri oo diiradda saaraya Badda Cas, kaas oo laga yaabo inay ku jirto Masar.

“Heshiiska difaaca ee Abu Dhabi ay la gashay New Delhi wuxuu u muuqdaa mid istiraatiijiyad gaashaamasho ah,” ayay tiri Sabena Siddiqui oo ah falanqeeye arrimaha juqraafi-siyaasadda, mar ay la hadashay wargeyska The New Arab. “Waxay u muuqataa in Imaaraadku uu isku dayayo inuu muujiyo in isaguna uu dhankiisa ku haysto awood milateri oo weyn.”

Si kastaba ha ahaatee, iskaashigan ma gaarsiisna heshiiska difaaca wadaagga ah ee dhex maray Sacuudiga iyo Pakistan, qodobkaas oo uu si gaar ah u xusay xoghayaha arrimaha dibadda ee Hindiya.

“Ka qayb-qaadashadayada dhinaca difaaca iyo amniga ee aan la leenahay dal ka tirsan gobolka, macnaheedu maahan inaan si gaar ah ugu lug yeelanayno colaadaha gobolka,” ayuu Misri u sheegay suxufiyiinta.

Andreas Krieg, oo bare ka ah Dugsiga Daraasaadka Amniga ee King’s College London, ayaa sheegay in heshiisyadani ay u oggolaanayaan Abu Dhabi inay ballaariso xiriirradeeda istiraatiijiga ah iyadoo aan ku dhex milmin khilaafaadka gobolka ee Hindiya.

“Abu Dhabi waxay doonaysaa faa’iidooyinka istiraatiijiyadeed ee ka dhasha u dhawaanshaha Hindiya, iyadoo aan dusha u ridan culayska khilaafaadka Hindiya ama aan lagu qasbin inay kala doorato xulafada is-diidan,” ayuu u sheegay The New Arab. 

Wuxuuna hadalkiisa kusoo xiray: “Natiijada ugu dambaysaa waa ballaarinta xulashooyinka istiraatiijiga ah ee Imaaraadka iyo adkaynta awoodda Sacuudiga ee ah inuu kaligiis qaabeeyo isbahaysiyada Koonfurta Aasiya isagoo u maraya Pakistan, iyadoo aan loo baahnayn in Khaliijka loo kala qaybiyo laba xero oo si adag isu haya.”

The post Imaaraadka oo heshiis difaac deg deg ah la galay dal kale xilli uu ka baqayo Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this