Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Villa Somalia ka tiri safarrada qarsoodiga ah ee madaxweyne Cirro?

Recommended Posts

Deeq A.   
Villa-Somalia-scaled.webp?fit=2560%2C170

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare) oo qoraal soo saaray ayaa si xoogan u dhaliilay safarrada dhuumaaleysiga ah ee uu galo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo haatan wada dhaq-dhaqaaq diblumaasiyadeed oo qarsoodi ah, kadib markii uu ku xirtay Israa’iil.

Cabdicasiis Golfyare ayaa marka hore is-babar dhig ku sameeyay safarrada madaxda dowladda iyo kuwa maamulka gooni u goosadka ah, isaga oo tilmaamay in booqashooyinka madaxda qaranka ay yihiin kuwa muhiimad gaar ah u leh shacabka. Waxaa kale oo uu xusay in dadweynuhu ay xaq u leeyihiin inay la socdaan safar kasta iyo qorshihiisa.

“Safarrada madaxda Qaranka waa kuwo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo ahdaaf uu Qaranku leeyahay, waxayna ka mid yihiin howl maalmeedkooda. Sir maaha, muwaadiniintana waxay xaq u leeyihiin inay xogta ugu badan ka ogaadaan, laga billaabo marka safarka la qorsheynayo, xilliga, muddada, mas’uuliyiinta safrayo, ajendaha loo safrayo, cidda lala kulmi doono iyo ugu dambeyn natiijada laga gaaray” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta Villa Somalia.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxda sare ee Somaliland oo uu ugu horreeyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro inay ka dhuuntaan shacabkooda, isla markaana ay ka shaqeynayaan waxyaalo halis ah oo kasoo horjeedo dhaqanka suuban, Diinta iyo mabaadi’da dadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Is barbar dhigga safarrada madaxda Qaran jira iyo maamul gooni u goosad ah oo tahriib ku taga dal dunida ka cambaareysan oo ka baqayo inay shacabkooda ogaadaan maadaama ay ka shaqeynayaan wax ka soo horjeeda dhaqanka, diinta iyo mabaadi’da dadkooda, lagama fileynin suxufiyiin waa weyn” ayuu mar kale yiri Agaasime Cabdicasiis Golfyare.

Waxaa kale oo uu duray Wariyeyaasha madaxa banaan, isaga oo yiri “Suxufi dhiirri gelinaayo in xogta safarrada madaxda la qariyo 2026 waa wax lala yaabo”.

Hadalka kasoo yeeray Villa Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullahi Cirro uu ka duulay garoonka Hargeysa, isaga oo u baxay safar la qariyey ujeedkiisa rasmiga ah. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in Cirro diyaarad qaas ah ay ka qaaday Hargeysa, waxaana safarkiisa uu dhaliyay hadal-heyn xooggan.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca madaxtooyada iyo xukuumadda oo ku aadan safarka uu shalay u baxay Cirro, iyada oo goor sii horreysay ay soo baxeen warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in uu kusii jeedo magaalada Tel Aviv ee caasimada Israa’iil.

Dhacdooyinkan ayaa imaanaya wax ka yar bil kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Cirro ay yeesheen wada-hadal taleefan 26-kii Diseembar 2025. Wicitaankaas oo ahaa mid taariikhi ah, ayuu Netanyahu ku sheegay in Israa’iil ay aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, isagoo casuumaad rasmi ah u fidiyay madaxweynaha. Cirro ayaa waqtigaas aqbalay casuumaadda, isagoo ballanqaaday inuu booqan doono Israa’iil “sida ugu dhaqsaha badan” sanadka 2026.

The post Maxay Villa Somalia ka tiri safarrada qarsoodiga ah ee madaxweyne Cirro? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this