Deeq A. Posted 12 hours ago Islamabad (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Islamabad ee caasimada dalka Pakistan, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay. Soo dhaweynta waxaa ka qayb-qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Pakistan iyo safiirka Soomaaliya ee dalkaas, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan. Wafdigan waxaa horkacayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh), waxaana qayb ka ah guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, maareeyaha hay’adda NIRA, Mudane Cabdiwali Timacadde, guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin iyo taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdulaahi Kaniif. Ujeedka safarka wafdiga ay dirtay Dowladda Soomaaliya ayaa la xiriira inay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga labada wadan ee Soomaaliya iyo Pakistan. Sidoo kale, inta ay joogaan dalkaasi, waxaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan madaxda Pakistan, si looga wada hadlo kor u qaadida iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada aqoonsiga Qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka, dimuqraadiyadda iyo dhinacyada gargaarka. Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wadday dadaallo dheeraad ah oo ay ku xoojineyso xiriirkeeda arrimaha dibadda, waxayna diiradda saartay arrimaha diblumaasiyadda ee gobolka iyo caalamka. Shalay ayaa u dambeyay dowladdu waxay wafdi heer wasiir ah u dirtay magaalada Dooxa ee caasimada ee dalka Qatar, kaas oo hoggaaminayo wasiirka amniga gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana qayb ka ah saraakiil kale oo muhiim ah. Xubnahaas ayaa ku biiray mas’uuliyiin kale oo uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan Dooxa, halkaas oo ay ka wadaan kulamo xasaasi ah oo u dhexeeyo Qatar iyo Soomaaliya. Ujeedka safarka wafuudan wuxuu la xiriiraa xoojinta xiriirka labada dal, iyada oo la filayo in sii adkeeyaan iskaashigooda, ayna galaan heshiisyo horleh. Soomaaliya ayaa haatan dabacsanaan wayn u muujineyso Dooxa, si ay u noqoto beddalka Abu Dubai oo ay kula tageen maalmo kahor, kadib go’aankii Golaha Wasiirada oo lagu burburiyay heshiiyadii horay loola galay Imaaraadka. The post Sawirro: Wafdi ay dirtay DF oo gaaray Pakistan + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites