Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaanka Kudhaa

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawirka-Shabaabka-weeraray-Afgooye.jpeg?

Kismaayo (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah waxaa laga helayaa dagaal xooggan oo saaka Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo beegsaday saldhigga ciidanka Jubbaland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka ay Al-Shabaab ku bilaabeen qaraxyo, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah oo ay la galeen ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Xogtii ugu dambeysay aya sidoo kale sheegeysa in haatan ciidanka Jubbaland ay isaga baxeen Kudhaa, waxaana kadib gudaha u galay dagaalamayaashii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday deegaankaasi oo dhaca dhanka xeebta ee Jubbada Hoose.

Sidoo kale, waxaa jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Xaaladda ayaa sidoo kale haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii uu dambeeyay ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdeen gobollada Jubooyinka, waxaana iska kaashanayay Ciidanka Daraawiishta Jubaland iyo kuwa Danab oo inta badan beegsada xarumaha muhiimka ah ee argagixisada.

The post Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaanka Kudhaa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this