Deeq A. Posted 9 hours ago Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Mareynka Donald Trump ayaa mar kale si xun ugu gefay Soomaaliya, isaga oo su’aal geliyay gebi ahaanba jiritaankeeda. Trump ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan aheyn dal jira, wuxuuna xusay in dadkeeda ay yihiin mashaqeystayaal, sida uu hadalka u dhigay. “Soomaaliya ma aha dal iyo wax u eg, Mareykan ayey yimaaddaan Soomaalidu, si ay u taajiraan, mana shaqaystaan.” ayuu yiri Trump. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dalka Soomaaliya ay dadkiisa is-dilaan, isla markaana ay ku badan yihiin burcad-badeedda. Waxaa kale oo uu weerar toos ah ku qaaday Senator Ilhan Omar oo ka tirsan Congresska Mareykanka, isla markaana ay isku hayaan arrimaha siyaasadda Mareykanka, isaga oo ku sifeeyay inay ka timid dalka uu xun caalamka. “Ilhan waxay ka timi Soomaaliya – dal dib-u-socod ah iyo kan ugu xun adduunka dadkoodu waa isla wareeg, isdilaya oo budhcad-badeed ah – waxay dooneysaa in ay noo sheegto sidaan dalkeena u hoggaamin lahayn.” ayuu sii raaciyay. Dhawaan madaxweyna Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaab siiyay dhiggiisa dalka Mareykanka, Donald Trump oo marar badan usoo gefay Soomaaliya, wuxuuna wareysi uu siiyay Telefishinka Al Carabiya ku sheega in wax aan la aqbali karin ay tahay aflagaaddada madaxweyne Trump. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa qab leh isla markaana uu garaadkooda uu gaarsiisan yahay meel sare. “Wax la aqbali karo maaha in Trump uu Soomaalida ugu yeero qashin, Soomaalidu waa dad caqli badan oo karti badan” ayuu ku jawaabay Xasan Sheekh. Si kastaba, ha’ahaatee, Hadallada Trump oo dhaliyay falcelin xooggan ayaa si muuqata u xambaarsan cunsuriyad wayn iyo jees-jees, isaga oo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah. Madaxweynaha dowladda Mareykanka oo caan ku ah hadallo soo noq-noqda iyo jees-jees, ayaa weli kusii cel-celinayo weeraro dhanka ah afka ah oo uu ku qaadayo Xildhibaan Ilhan Omar iyo dalka ay kasoo jeedo ee Soomaaliya. The post TRUMP oo markale si xun ugu gefay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites