Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Kenya oo xabsiga dhigay dhalinyaro badan oo Soomaali ah + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Kenya-police-.webp?fit=1024%2C576&ssl=1

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 23 dhalinyaro ah oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay falal jirdil iyo duubista muuqaallo anshax-darro ah oo ay kula kaceen gabdho u dhashay dalka Kenya.

Dhalinyaradan ayaa muddo toddobaadyo ah baadigoob ku hayay ciidamada ammaanka Kenya, gaar ahaan booliska, kaddib markii falalkooda si weyn ugu faafeen baraha bulshada.

1768987439618294335_10224849545144839_25

Ugu dambeyn, dhammaan dhalinyaradaan ayaa waxaa lagu soo qabtay howl-gallo kala duwan, waxaana la geeyay saldhigga booliska ee Pangani, halkaas oo hadda lagu hayo.

Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in dhalinyaradu ay muddooyinkii dambe si koox-koox ah ugu baahinayeen barta TikTok muuqaallo muujinaya falal anshax-xumo.

Muuqaalladaasi ayaa isugu jiray jirdil iyo taabasho aan habboonayn oo ay kula kacayeen gabdho Kenyan ah, taas oo dhalisay caro iyo fal-celin xooggan oo gudaha dalkaas ah.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda dhalinyaradan la horgeeyo maxkamad, iyadoo sidoo kale lagu daray eedeymaha qorshe la xiriira in dalka Kenya laga masaafuriyo, laguna celiyo dalalkooda.

Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ayaa si weyn u taageeray tallaabada lagu xiray dhalinyaradan, iyagoo ku baaqay in sharciga la horgeeyo falalkii anshax-darro ee ay ku kaceen.

The post Booliska Kenya oo xabsiga dhigay dhalinyaro badan oo Soomaali ah + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this