Deeq A. Posted 15 hours ago Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray dalka Pakistan. Wafdigan ayaa la sheegay in ay la kulmi doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Pakistan, islamarkaana ay kala hadli doonaan kaarka NIRA & diiwaangalinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka iyo gargaarka bini’aadantinimo. Wafdiga wasiirka Cali Xoosh waxaa ka mid ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan, maareeyaha hay’adda NIRA Cabdiwali Timacadde, guddoomiyaha hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cismaan C/laahi Kaniif. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites