Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hadashay shaqaalaha Imaaraadka ee ka baxay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
1000123760.jpg

Madaxtootada Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay shaqaalaha ajaanibta ah ee ka baxay saldhigga Imaaraadka Carabta ee magaalada Boosaaso.

Afhayeenka dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) ayaa sheegay in shaqaalaha ajaanibta ah ee ka baxay xerada PMPF ee Boosaaso ay yihiin kuwa u baxay fasax, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa shaqaale fasaxooda sanadka u baxay, waana arrin caadi ah oo si joogto ah u dhacda, waxba kama jiraan waana been abuur iyo dacaayad wararka baraha bulshada looga faafinayo saldhiga PMPF” ayuu ku yiri hadal qoraal ah oo uu soo dhigay Facebook-ga.

Tan iyo markii Dowladda Federaalka ay burisay heshiisyadii iyo is-afgaradyadii hore loola galay Imaaraadka Carabta, waxaa dowladda Dubai ay daad-gureynaysay shaqaalihii iyo agabkii militari ee ka yaallay meelo ka mid ah Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this