Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland: Al-shabaab oo sheegtay in ay la wareegtay jasiirada Kudhaa

Recommended Posts

Deeq A.   
1000123781.jpg

Al-shabaab ayaa saaka weerar qarax ku bilowday ku qaaday deegaanka jasiirada Kudhaa degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Jubaland.

Al-shabaab ayaa ka soo gashay halka irid ee biriga ah ee laga soo galo jasiiradaas, waxaana halkaas ka dhacay dagaal adag oo labada dhinac dhexmaray.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaas, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo deegaankaas.

Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-shabaab ayaa cod uu soo duubay oo lagu baahiyay baraha internet-ka ee taageera kooxda ku sheegay in ay la wareegeen deegaanka jasiirada Kudhaa, oo ah deegaan muhiim ah.

Maamulka Jubaland weli wax war ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay jasiirada Kudhaa iyo sheegashada kooxda Al-shabaab.

Kudhaa oo koonfur ka xigta magaalada Kismaayo waxaa Al-shabaab lagala wareegay sanadkii 2014, halkaas oo ay markii hore u isticmaali jireen in ay ku gabadaan madaxda sarsare ee kooxda.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this