Deeq A. Posted 17 hours ago Siyaasadda Soomaaliya waxay mar kale istaagtay isgoys xasaasi ah ka dib markii shalay, oo ay taariikhdu ahayd 19-ka Janaayo 2026, Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo saartay martiqaad rasmi ah oo ku socda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Kuwaasoo bishii December ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh uu qabto Shir wadatashi ah. Golaha Shirka loogu yeeray ayaa ka kooban. Shariif Sheekh Axmed: Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya (Hoggaanka Golaha). Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe): Madaxweynaha Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni: Madaxweynaha Puntland. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo: Madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya. Xasan Cali Khayre: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir In kasta oo warku u qornaa si degan oo dib u heshiisiin ay ka muuqato, haddana waxaa dusha sare kaga daboolan lakabyo badan oo shaki iyo cabsi leh, kuwaas oo si gaar ah u taabanaya Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Dowladda Soomaaliya Axmed Madoobe wali ma aysan aqoonsan doorashadii uu qabtay. Caqabadda ugu weyn ee hortaagan in Axmed Madoobe uu cagta soo dhigo caasimadda Muqdisho waa mid salka ku haysa garsoorka iyo loolankii qadhaadhaa ee sanadihii u dambeeyay. Waxaa weli diiwaanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ku jira waarankii soo qabashada ee la soo saaray 27-kii November 2024, xilligaas oo dowladda federaalku ay ku eedaysay “khiyaano qaran”. In kasta oo hadda gogol fidsan tahay, haddana sharci ahaan waarankaas weli ma la laalin, taas oo Axmed Madoobe ka dhigaysa hoggaamiye u dhexreeya laba daran mid dooro: inuu aamino ballanqaadka dowladda oo uu yimaado Muqdisho, ama inuu dhowro amnigisa iyo xaqiijinta xasaanaddiisa isagoo ka fogaanaya gacanta garsoorka ee weli u furan. Waxaa jira dareen xooggan oo sheegaya in Goluhu ay dalban doonaan in shirka 1-da Febraayo loo raro magaalo dhex-dhexaad ah ama la helo dammaanad-qaad caalami ah oo ka yimaada saaxiibada Soomaaliya. Cabsidoodu waxay salka ku haysaa in caasimadda dhexdeeda loogu isticmaalo awoodda dowladnimada, taas oo wiiqi karta mawqifkoodii adkaa ee ay Kismaayo ku hayeen tan iyo Diseembar 2025. Su’aasha ugu muhiimsan maanta dhex taalla falanqeeyayaasha ayaa ah: Haddii shirku fashilmo, Axmed Madoobe ma heli doonaa fursad uu dib ugu laabto Kismaayo? Dowladda Federaalka waxay xilligaas haysan kartaa fursad ay ku dhaqan-geliso waarankii hore ee garsoorka, taas oo Axmed Madoobe ka dhigi karta nin ku go’doomay caasimadda, lumiyayna gacan-ku-haynta Jubbaland. Si kastaba ha ahaatee, gogashan loo dhigay 1-da Febraayo 2026 waa imtixaankii ugu weynaa ee soo mara labada dhinac. Waa isku day lagu kala saarayo in dalka loo horseedayo is-tanaasul iyo doorasho lagu heshiiyey, iyo in la soo afjarayo loolankii muddada dheer soo jiitamayay ee u dhexeeyay Kismaayo iyo Muqdisho iyadoo la adeegsanayo xeelado siyaasadeed iyo kuwo garsoor. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites