Sign in to follow this  
Deeq A.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHADKA TALEEFANKA KULA HADLAY DHIGGIISA KOONFUR AFRIKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho, Jannaayo 20, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, xaaladda gobolka, kor u qaadista iskaashiga arrimaha gobolka ee ay dano wadaagga ka yihiin iyo adkaynta nabadgelyada iyo horumarka.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this