Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweynaha Somaliland oo u baxay safar la qariyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Cirro-Safar.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay ka ambabaxeen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, iyada oo la qariyay ujeedka rasmiga ah ee safarkooda.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in Cirro diyaarad qaas ah ay ka qaaday Hargeysa, waxaana safarkiisa uu dhaliyay hadal-heyn xooggan.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada iyo xukuumadda oo ku aadan safarka uu galay madaxweynaha, xilli goor sii horreysay ay soo baxeen warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in uu kusii jeedo magaalada Tel Aviv ee caasimada Israa’iil.

Hadal-hayntan ayaa sii xoogeysatay Axaddii, 18-kii Janaayo, kadib markii qoraal lagu baahiyay barta X (hore Twitter) ee akoon ku magacaaban “Rabbi Avi Hirsch” uu sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu baxayo Israa’iil si uu u dhammeystiro ku biirista heshiisyada Abraham Accords.

Si kastaba ha ahaatee, akoonkaas oo isticmaalayay sawirka falanqeeye siyaasadeed oo Soomaali ah ayaa markii dambe la xiray (suspended), iyadoo dad badan ay ku tilmaameen mid marin-habaabin ah oo aan lagu kalsoonaan karin.

Inkastoo isha warkaas ay noqotay mid shaki weyn la geliyay, haddana xogta duullimaadyada ee ilaha furan (OSINT) ayaa muujisay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn. Diyaarad khaas ah oo nooceedu yahay Hawker 800XP (T7-NKS) ayaa la xaqiijiyay inay Axaddii ka soo duushay garoonka Ben Gurion ee Israa’iil, iyadoo soo martay hawada Itoobiya kuna degtay Hargeysa.

Dhacdooyinkan ayaa imaanaya wax ka yar bil kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Cirro ay yeesheen wada-hadal taleefan 26-kii Diseembar 2025. Wicitaankaas oo ahaa mid taariikhi ah, ayuu Netanyahu ku sheegay in Israa’iil ay aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, isagoo casuumaad rasmi ah u fidiyay madaxweynaha. Cirro ayaa waqtigaas aqbalay casuumaadda, isagoo ballanqaaday inuu booqan doono Israa’iil “sida ugu dhaqsaha badan” sanadka 2026.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Beesha caalamka intiisa badan ayaa weli u arka Somaliland inay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, inkastoo gobolku uu ku dhawaaqay madax-bannaani sanadkii 1991-kii.

Xilli uu jiro xiisad diblomaasiyadeed iyo hubanti la’aan ku aaddan warka safarka, indhuhu waxay ku sii jeedaan Hargeysa iyo Tel Aviv wixii warar rasmi ah ee soo kordha.

 

The post Xog: Madaxweynaha Somaliland oo u baxay safar la qariyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this