Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay DF ka tiri go’aankii kasoo baxay Maxkamada Racfaanka EAC?

Recommended Posts

Deeq A.   
Calan-DF-Somalia-Coat-scaled.jpeg?fit=25

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweysay go’aanka ay shalay Maxkamada Racfaanka EAC ka gaartay kiiska xildhibaannadii ay dirsatay oo horay koox xildhibaano Soomaali ah uga gudbiyeen dacwad ka dhan ah qaabka ay u dhacday doorashadooda.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa loogu mahadceliyay Maxkamadda Cadaaladda ee Bulshada Bariga Afrika, taas  oo laashay dacwaddii laga gudbiyay xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC, waxayna ku dhawaaqday inay yihiin kuwa sharci ah.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa amartay in la dhaariyo xubnaha Soomaaliya oo ay horay u doorteen labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, si ay u gataan waajibaadkooda, uguna biiraan golaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxayn tilmaamtay in go’aankan uu meesha ka saaray hakinta lagu sameeyay sagaalka xubnood ee metalaya Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay ‘inay kusoo baxeen qaab musuq-maasuq ah’.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika ee 19 Janaayo 2026, kaas oo meesha ka saaray go’aamadii hore ee hakinta ku sameeyay dhaarinta wakiillada Soomaaliya ee loo doortay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA)” ayaa lagu yiri  qoraalka.

Waxaa kale oo Wasaaraddu ay hambalyo u dirtay sagaalka xubnood ee ugu dambeyn la ansixiyay, si ay u metalaaan dowladda Soomaaliyeed.

“Wasaaraddu waxay hambalyeynaysaa sagaalka Xildhibaan ee EALA ee uu doortay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale xaqiijinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), gaar ahaan arrimaha ganacsiga, isu-socodka, horumarka, iyo xasilloonida” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa noqotay xubinta siddeedaad ee Ururka Iskaashiga Geeska Afrika (EAC) dabayaaqadii sannadkii 2023, iyadoo dhammaystirtay hannaanka ansixinta horraantii sannadkan. Bishii Oktoobar, Baarlamaanka Federaalku wuxuu doortay sagaal xubnood oo dalka u matali lahaa EALA, kuwaas oo 5 kamid ah ay yihii rag, halka 4 kalena ay yihiin dumar, waxayna ka yihiin;- 1. Xuseen Xasan Maxamed 2. Fadumo Cabdullaahi 3. Sahra Cali Xasan 4. Cabdisalaam Hadliye 5. Fahma Axmed Nuur 6. Abuukar Mardaadi 7. Feysal Cabdi Rooble 8. Ilhaan Cali Garas 9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.

Si kastaba, go’aankan kama dambeysta ah ee ay shalay ku dhawaaqday Maxkamadda Racfaanka EAC ayaa noqday imtixaan culus oo ay ka gudubtay Soomaaliya, sidoo kalena lagu eegay sida ururka iyo xubintiisa cusub ay ugu tixgeliyeen mabaadi’da dimoqraadiyadda gobolka iyo hufnaanta metalaadda.

618058238_1311899497645160_5976937222000

The post Maxay DF ka tiri go’aankii kasoo baxay Maxkamada Racfaanka EAC? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this