Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo go’aan kasoo saartay ciidankii tegay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Lugatoor.jpg?fit=660%2C371&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Mudane  Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan ciidamada Danab ee Puntland ee maalin kahor tegay magaalada Laascaanood, iyaga oo sugay amniga madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka qayb-galay caleema saarkii madaxweynaha dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye.

Lugatoor ayaa sheegay in ciidankaas ay lacag ka qaateen madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo go’aan kasoo saaray wuxuuna tilmaamay inay yihiin ciidamo Puntland ah, isla markaana aysan u aqoonsan doonin kuwa federaal ah kadib markii dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu ciidankaas ku sheegay inay yihiin kuwa ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in madaxweynaha ay u harsan tahay bilo kooban.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland oo uu ugu baaqay inay fiiriyaan danta guud iyo sidoo kale dadka ay metalaan.

“Ciidamada Puntland ee Xasan Sheekh Xoogaaga lacagta siiyay uma aqoonsan doono ciidan Fadaraal ee waa ciidamo reer Puntland ah, waana Wiilashii Quruxda Puntland leedahay ka shaqeeyay, Siyaasiyiinta Reer Puntland ee waxaan leenahay, Xasan dhowr bilood ayaa u hartaye la shaqaysta balse dalkiina ha dhibtaynina Berri ayaad xukumi doontaane”. ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenku.

Hadalkan  ayaa imaanaya, iyada oo dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar ay ka qayb-qaateen sugidda amniga madaxdii isugu tegtay magaalada Laascaanood.

Ciidamadan oo muddooyinkii ugu dambeeyay deggenaa duleedka magaalada Garoowe ayaa Arbacadii gudaha u galay Laascaanood, iyaga oo wata gaadiid dagaal, kadibna waxay ku laabteen xaruntooda milatari ee aagga Garoowe.

Puntland ayaa si weyn uga oo horjeedo maamulka dariska la’ah ee Waqooyi Bari, waxayna kula jirtaa xifaaltan soo bilowdy markii ay Dowladda Federaalka aqoonsi buuxa siisay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood.

The post Puntland oo go’aan kasoo saartay ciidankii tegay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this