Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay qorshe lagu badbaadinayo dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
557549105_1350090519806620_8388760612001

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubaland iyo Puntland uu bilaabi doono kulamo diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee dalka, midnimada iyo samatabixinta qaranka.

Koofi ayaa shaaca ka qaaday in dhaq-dhaqaaqooda uu bilaaban wixii ka dambeeya maanta, isla markaana ay dajin doonaan qorshe ballaaran oo lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo bandhigi doonaan barnaamijyadooda, ayna diyaar u yihiin cid kasta oo kala doodeysa, si loo samatabixiyo dalka.

“Maanta waa 20-ka Jannaayo. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu maalmahaan ka arrinsan doonaa xaaladda dalka, midnimada iyo samatabixinta qaranka. Goluhu wuxuu soo bandhigi doonaa qorshe howleed siyaasadeed oo lagu badbaadinayo dowlanimada, wuxuuna diyaar u yahay cid kasta oo kala doodaysa ama ra’yi kale haysa” ayuu Maxamed Aadan Koofi.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, una istaagaan sidii loogu gudbi lahaa marxaladda adag ee waddanka uu ku jiro, gaar ahaan xaaladda kala guurka ah.

“Muwaaddin maanta ayuu kuugu baahi badan yahay qarankaagu ee ha ku habsaamin doodaha aan daacadda laga ahayn iyo ismoodsiiska hoggaanada fashilmay” ayuu mar kale Koofi.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo xalay madaxweynaha Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubaland iyo Puntland.

Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyada oo bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya lagu shaaciyay in shirweynahaas uu Muqdisho ka furmi doono 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa talo soo-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxay casuumaad rasmi ah u fidinaysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, isla markaana ka dhalatay isfaham-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, waxaana sidoo kale usii dheer arrinta midnimada iyo abaaro ka jira waddanka.

The post Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay qorshe lagu badbaadinayo dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this