Deeq A. Posted 6 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha gobolka. Ugu horreyn labada madaxweyne oo ku wada-hadlay khadka taleefoonka ayaa isla soo qaaday kor u qaadista iskaashiga arrimaha gobolka ee ay dano wadaagga ka yihiin iyo adkaynta nabadgelyada iyo horumarka. Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo horay u caddeeyay mowqifkiisa ku aadan madax-banaanida Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Koonfur Afrika ay u hayso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si adag ay u cambaareynayaan xadgudubka Israa’iil oo iyadu aqoonsi siisay gobolka kamid ah Soomaaliya. Dhankiisa, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay dhiggiisa Koonfur Afrika, wuxuuna sheegay inay sii xoojin doonaan iskaashigooda, ayna ka wada shaqeyn doonaan arrimaha gobolka iyo xal u helidda iyo caqabadaha taagan. Wada-hadalkan ayaa imaanaya xilli ay weli isa soo tarayaan fal-celinta iyo mowqifyada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ee la xiriira arrinta Somaliland iyo doodaha ka dhashay aqoonsiga ay sheegtay inay ka heshay Israa’iil. Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Arrintan ayaa Israa’iil ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee tallaabadan qaada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991-kii. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xidhay qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords. The post Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Cyril Ramaphosa? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites