Deeq A. Posted Monday at 10:17 PM Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi difaac, kaas oo la sheegay in lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal. Heshiiskan waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qadar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani. Sida lagu sheegay qoraal ka baxay dowladda Soomaaliya heshiiska iskaashiga difaac wuxuu diiradda saarayaa tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Saxiixa heshiiskan wuxuu muujinayaa sida ay labada dal uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites