Sign in to follow this  
Deeq A.

Asad iyo Abgaal oo dhexdhexaadinaya Firdhiye iyo Abwaan

Recommended Posts

Deeq A.   
1000123309.jpg

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Asad Cismaan Diyaano iyo siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa dhexdhexaadinaya madaxda maamulka Waqooyi Bari oo khilaaf cusub ka dhex bilaabmay.

Gen. Asad Diyaano iyo Xasan Shire Abgaal waxay saacadihii la soo dhaafay magaalada Laascaanood kulamo gaar gaar ah kula qaateen madaxweyne Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, inkastoo aan la aqoon waxa ay kala kulmeen labada dhinac.

Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa waxaa khilaafkoodu soo shaacbaxay munaasabaddii caleemosaarkoodii kaddib, waxaana Abwaan uu baraha bulshada mariyay hadallo duur-xul ah oo ku durayay Firdhiye.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this