Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo fejignaan ka muujiyay aqoonsiga ay bixisay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
1000123488.jpgMa cadda in Madaxweyne Cirro uu Xafiiska wakiilka maamulka Somaliland ka furayo Qudus ama Tel Afiif.

Hargeysa (Wararka PP) — Madaxweynaha  maamulka Somaliland Cabdiraxman Cabdullaahi Maxamed (Cirro), oo maqaal ra’yi ah ku qoray wargeyska Wall Street Journal todddobadkii hore, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Isra’iil siisay maamulkiisa mid geedi-socod ah. “Waxaannu la bah nahay Taiwan. Waannu ognahay in aqoonsi ballaaran uusan si degdeg ah u dhici doonin” ayuu qoray Cirro.

“Mid ka mid ah waqtiyayda ugu wanaagsan ee muddo xileedkayga waa in laga daaro heesta calanka Somaliland safaaradda aan ka furi doono Israa’iil” ayuu Cirro qoray.

Cirro wuxuu weeraray kaalinta dalalka Turkiga iyo Qadar ku leeyihiin dib u dhiska Soomaaliya. Wuxuu kale oo ku dooday in maamulkiisu iyo Israa’iil wadaagaan wax badan. Isra’iil ayaa sheegtay in maamulka Somaliland uu ka taliyo dhul sidaas darteedna uu mudan yahay aqoonsi halka Falastii uu Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Israa’iil Gideon Sa’ar ku tilmaamay “dal ka jira shaashadaha kombuyuutarrada.”

1170001_1.jpeg-1440x960.webpNetanyahu wuxuu doonayaa inuu dambiyada dagaal loo haysto uu kaga dhuunto aqoonsi u qareemista kala goynta Soomaaliya.

“Israa’iil waxay maamulka Somaliland u adeegsnaysaa in aan laga hadlin isku dayga ciribtirka ay ciidammada Isra’aail ka geysteen Gaza” ayuu yidhi siyaasi ku sugan Hargeysa oo doonaya in la xigto magaciisa oo aan la xusin.

Cirro wuxuu kale oo ku dooday in Shiinaha iyo Turkigu ay saamayn ku leeyihiin Soomaaliya, waana laba dal oo xiriir la kala leh Maraykanka, mid ka mid ahna leeyahay diidmada qayaxan aadna uga soo horjeeda ku xadgudubka qarannimada Soomaaliya iyo xiriirka maamulka Somaliland iyo Taiwan.

© Puntland Post, 2026

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this