Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenya oo burburiyay xarun ay Hormuud ku lahayd…

Recommended Posts

Deeq A.   
Hormuud-burbur.webp?fit=660%2C320&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Hormuud ayaa ku eedeysay ciidamo ka tirsan Kenya inay burburiyeen xarun muhiim u ahayd shabakaddeeda taleefannada gacanta, taas oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose.

Shirkaddan oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn dalka ayaa waxay sheegtay in falkaasi sababay hakad weyn oo ku yimid adeegyadii isgaarsiinta iyo kuwii lacageed, kuwaas oo ay si toos ah ugu tiirsanaayeen kumannaan qof oo Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay bayaan ay shirkaddu soo saartay, xarunta ku taalla tuulada Dhuuyac-Garoon ayaa la burburiyay 14-kii Janaayo 2026, iyadoo isla goobtaas horay loogu beegsaday weerar la mid ah 21-kii Janaayo 2019.

“Waxaan ka xunnahay inaan u sheegno macaamiisheena iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ciidamada dowladda Kenya ay mar kale si ula kac ah u burburiyeen qalabka isgaarsiinta ee shirkadda,” ayay shirkaddu ku tiri bayaankeeda.

Waxay intaas ku dartay in dhacdadani dhalisay khasaare adeeg iyo mid dhaqaale oo culus, isla markaana ay saameyn ku yeelatay dad u dhexeeya 20,000 illaa 30,000 oo ku nool Dhuuyac-Garoon iyo deegaanada ku dhow dhow.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in dadka deegaankaasi ay si buuxda u waayeen dhammaan adeegyadii isgaarsiinta iyo kuwii lacageed ee ay ka heli jireen shirkadda.

Hormuud waxay tilmaantay in adeegyadeedu ay door muhiim ah ka ciyaari jireen isku xirka bulshada, ganacsiga iyo nolosha maalinlaha ah, xilli dadka deegaanku ay wajahayaan abaar baahsan iyo duruufo nololeed oo adag.

Wararka la helayo ayaa muujinaya in xarunta lagu burburiyay miinooyin dhulka lagu aasay, iyadoo ciidamada Kenya lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga soo gudbeen xadka, isla markaana aysan ka mid ahayn ciidamo si rasmi ah uga howl-gala gudaha Soomaaliya.

The post Ciidanka Kenya oo burburiyay xarun ay Hormuud ku lahayd… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this