Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaabiis Daacish ah oo ka baxsaday xabsiyo ku yaalla…

Recommended Posts

Deeq A.   
Daacish.jpg?fit=1024%2C576&ssl=1

Dimishiq (Caasimada Online) – Ku dhowaad 100 maxbuus oo ururka Daacish laga qabtay ayaa ka baxsaday xabsiyo ku yaalla magaalada Al-Shadaadi, oo ku taalla waqooyi-bari Suuriya, sida ay baahisay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA.

Baxsashada maxaabiistan ayaa timid kaddib iska hor-imaad dhex-maray ciidamada dowladda iyo xoogagga Dimuqraadiga Suuriya ee SDF.

Xaalad bandow ah ayaa lagu soo rogay magaalada Al-Shadaadi, iyadoo ciidamo amni lagu soo wareejiyay, kuwaas oo la sheegay in ay horey iskugu diyaarsanayeen la wareegidda xabsiyada ay ku jireen xubnaha Daacish ee halkaas lagu hayay, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay warbaahinta gudaha.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suuriya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in dib loo soo qabto maxaabiista baxsatay, kuwaas oo muddo dheer ku xirnaa xabsiyada.

Sidoo kale waxay muujiyeen tuhun ah in baxsashadaasi si ula kac ah loo fududeeyay si loo wiiqo qodobo ka mid ah heshiiska u dhexeeyay madaxweynaha Suuriya iyo hoggaanka SDF.

Dhanka kale, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa u sheegay telefishinka Aljazeera in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Al-Shadaadi.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in weli ay socdaan howl-galada lagu baadi-goobayo maxaabiista baxsatay, isagoo xusay in 81 ka mid ah 120 ruux oo horey ugu xirnaa xabsiyada hadda ay maamulaan ciidamada dowladda la raadinayo.

The post Maxaabiis Daacish ah oo ka baxsaday xabsiyo ku yaalla… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this