Deeq A. Posted 11 hours ago Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya xoogagga difaaca deegaanka ee Macawiisleyda ayaa maalmahan dhaq-dhaqaaqyo ballaaran ka wada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Ciidamada isbahaysanaya ayaa diyaarinaya qorshe ay dib ugu billaabayaan howl-gallo lagula wareegayo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan bariga Hiiraan oo ay weli ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Dhowr maalmood ka hor, taliyaha ciidanka dhulka ayaa degmada Matabaan kula dardaarmay boqolaal askari oo loo diyaariyay duullaanka lagu doonayo in kooxda looga saaro goobaha ay kaga harsan yihiin gobolkaas. Dhaq-dhaqaaqyada wadajirka ah ee ciidamada ayaa si cad looga dareemay magaalooyinka Maxaas iyo Moqokori, kuwaas oo Al-Shabaab ay la wareegtay dabayaaqadii sannadkii hore. Warar kale ayaa tilmaamaya in kooxda ay ciidamo badan isugu geysay magaalada Maxaas, oo ah goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka gobollada Hiiraan iyo Galguduud. Dhanka kale, tan iyo markii ay bilowdeen dhaq-dhaqaaqyadan militari, Al-Shabaab ayaa isaga baxday deegaanno ay ka mid yihiin Waabweyn iyo Teedaan, kuwaas oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan. Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, inkastoo illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah. The post Abaabulka howl-gallo culus oo ka socda gobolka HIIRAAN appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites