Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta oo beeniyay in uu xabsiyo qarsoodi ah uu ku lahaa…

Recommended Posts

Deeq A.   
Bin-Zayed.jpg?fit=800%2C531&ssl=1

Dubai (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa beenisay inay saldhigyo iyo xabsiyo qarsoodi ah ku laheyd garoonka diyaaradaha Riyan ee dalka Yemen.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu beeniyay hadalkii Guddoomiyaha gobolka Hadramawt ee Yemen, Salem Al-Khanbashi oo sheegay in Imaaraadka uu garoonka diyaaradaha Riyan u adeegsaday xeryo qarsoodi ah, xabsiyo iyo goobo lagu kaydiyo walxaha qarxa.

Guddoomiyaha Hadramawt ayaa muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ku sheegay in Imaaraadku uu garoonka Riyan u beddelay saldhigyo lagu ururiyo hub iyo walxo qarxa, si loo sii huriyo colaadda Yemen.

Waxa uu sheegay in halkaas ay ku yaalleen xabsiyo aan horay loo shaacin oo dad lagu hayay.

Dhankiisa, Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa xaqiijiyay inuu si rasmi ah uga baxay koonfurta Yemen 2-dii Janaayo 2026, isla markaana uusan dalkaas kaga tegin wax qalab militari ah ama agab khatar ah.

Imaaraadku wuxuu eedeymahaas ku tilmaamay “kuwo aan sal iyo raad toona lahayn,” laguna doonayo in lagu waxyeelleeyo sumcaddiisa.

Sidoo kale, Imaaraadka ayaa sheegay in goobaha laga soo duubay muuqaallada ay ahaayeen hoy ay deggenaayeen ciidamadiisa iyo xubnaha reer Yemen ee la shaqeynayay, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid caadi ah, maadaama askartu u baahan yihiin guryo ay ku nastaan marka ay howl-gallada ka baxaan.

Ugu dambeyn, fara-gelintii Imaaraadka Carabta ee Yemen ayaa dhowaan soo dhammaatay, kaddib markii lagu eedeeyay inuu door ku lahaa kala qeybsanaanta dalkaas, taas oo keentay in muddo kooban gudaheed lagu soo gaba-gabeeyo joogitaankiisii Yemen.

Dowladda Yemen ayaa marar hore ku eedeysay Imaaraadka inay xabsiyo qarsoodi ah ku leeyihiin dhowr aag oo ay gacanta ku hayeen, eedeymahaas oo Imaaraadku mar walba beenin jireen.

Si kastaba, Khilaafka u dhexeeya Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa ku baahay gobolka, wuxuuna iskugu jiraa arrimaha siyaasadda iyo soo saarista saliidda.

Labada dal waxay sidoo kale ku jiraan tartan dhaqaale oo adag, oo ay ku jirto cidda soo jiidan karta maalgashiga shisheeye iyo dalxiisayaasha ugu badan, iyo cidda saami weyn ka heli karta tiknoolajiyadda AI-da.

The post Imaaraadka Carabta oo beeniyay in uu xabsiyo qarsoodi ah uu ku lahaa… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this